DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay gudiga Gurmadka Fatahaadaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay xubno ka tirsan dadka Soomaaliyeed ee isku isxilqaamay howlaha Gurmadka ah ee loo fidinayo dadka walaalohood ah ee ay saameeyeen Fatahaadaha qaar ka mid ah gobollada dalka ay dhibaatadu ka soo gaadhay.
Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan dadaallada gurmadka ee shacabka Soomaaliyeed ay u fidinayaan walaalahooda ku dhibaataysan fatahaadda waxa uu ka dhageystay xubnahan oo isugu jiray culimo, ganacsato iyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku howlan howlaha gurmadka ah.
Guddi ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee abaabulka howlaha gurmadka fatahaadaha Sameeyay ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey qaabilaadiisa waxayna la wadaagay dhaqaalaha Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka socda.
xubno heer maamul Goboleed ah oo iyaguna ka socday is-xilqaameyaasha howlaha gurmadka ee deegaanada maamulka Puntland oo kulankan ku sugnaa ayaa soo bandhigay dadaaladuuda iyo sida ay markasta diyaar ugu yihiin garab istaaga dadka Tabaalaysan ee ay wax-yeelleeyeen fatahaaduhu.
Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ayaa la wadaagay guddiyadan is-xilqaameyaasha ah warbixin ku saabsan dadaallada dowladdu ay horseedday ee lagu wajahay musiibadan, xaaladda dadka deegannada iyo qorsheyaal heer Qaran ah oo xal waara loogu sameynayo arrimaha fatahaadaha wabiyada ee soo noq noqday.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa bogaadiyay howlaga gurmadka ah ee meelkasta ooy joogaan dadka Soomaaliyeed ay samaynayaa wuxuuna Tilmaamay inay waajib tahay markasta is caawinta dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalsxiiska dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isna dhankiisa warbaahinta sharaxad ka siiyay kaalinta ay gudiyadaan ka qaadanayaan howlaha Gurmadka ee ka socda gobolada ay Fatahadaha iyo daadadku Saameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here