Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay saraakiil Maraykan ah

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho qeybta Hangarka waxaa uu kulan xasaasi ah kula yeeshay Wafdi ka socda dowladda Mareykanka oo isugu jira Wasaaradda Difaaca Mareykanka iyo Taliska ciidamada AFRICOM.
Kulanka waxaa Madaxweynaha Soomaaliya ku wehliya la Taliyeyaashiisa arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga,waxaana Xubnaha wafdiga la sheegay inay daba socdaan walaac Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ka muujisay musuqmaasuq iyo howlaha la xiriira dib u habeynta amniga.
Xalay ayaa safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxaay soo saartay qoraal ay ku sheegtay inay ku taageerayso Soomaaliya dib u habeynta Amniga, hayeeshee ay ka digtay in musuqmaasuq la sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here