Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Suldaanka Cusub ee Cumaan.

Madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maalintii labaad ku sugan Sandalada Cuman ayaa waxaa uu la kulmay Suldaanka Cusub ee dalkaas Suldaan Haitham bin Taymur.
Madaxweyne Farmaajo oo shaley Gelinkii dambe gaarey dalka Cumaan ayaa halkaas u tegay ka qeyb-galka tacsida Suldaankii dalkaasi xukumayey mudada dheer ee Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ahaa boqorkii dalka Cumaan oo dhawaan Geeriyoodau.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo Farmaajo iyo Suldaanka Cusub ee dalka Cumaan Suldaan Haitham bin Taymur ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ka dhexeeya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Suldaanka Cusub ee dalka Cumaan iyo Shacabka dalkaas waxaa uu uga tacsiyadeeyey geerida Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo dhawaan Geeriyooday.
Dalka Cumaan ayaa weli waxaa uu ku jiraa Saddex maalmood oo barooq-diiq qaran ah oo looga dhawaaqay dalkaas kadib markii u geeriyoodey Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo dalkaasi mudo dheer soo xukumayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here