Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay Miisaaniyada qaranka ee Sanadka 2020.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka, kaddib markii ay shalay ansixiyeen Xildhibaanada Labada Goloe ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Gole oo wadajir u ansixiyey miisaaniyaddan sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa, iyagoona ku ansixiyey cod aqlabiyad leh.
Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda inay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliya iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida ee qaranka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa adkeeyey qorsheyaasha heer Qaran ee lagu wajahayo musuqmaasuqa iyo dadaalka xooggan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan hirgelinta hannaan maaliyadeed oo hufan.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqaalyahannada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waxtar u leh dadka iyo dalka Soomaaliya.
Dhanka kale Madaxweynahaa Soomaaliya Maxamed C/aalhi Farmaajo ayaa dhamaan qaybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed Fariin u diray wuxuuna kula dardaarmay inay u midoobaan cadowgooda sidii ay uga guulaysan lahaayeen culimada,dhalinyarada,Haweenka,aqoonyahanka waxgaradka iyo dhamaan qaybaha dadka Soomaaliyeed ay ka kooban yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here