Madaxweynaha Soomaaliya oo Saxiixay sharciga duulista Rayidka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay diyaarinta sharcigaan uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigaan dhaxal reebka ah.
Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa u magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macalin Xasan, wuxuuna u rajeeyay inuu ku guulaysto masuuliyadda culus ee loo igmaday.
4-tii Bishii Janaayo ee sanadkaan 2020 ayay Xildhibaannada Golaha Shacbaka Soomaaliya ansixiyeen Sharciga duulista Rayidka halka 10-kii Bishii Febaraayo ee isla Sanadkaan ay Xildhibaannada Aqalka Sare meelmariyeen sharcigaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here