Madaxweynaha Soomaaliya oo shaqaalaha ugu Hanbalyeeyay Maalinka shaqaalaha aduunka

Ayadoo Maanta ay ku beegantahay 1-da bisha May ah Maalinka shaqaalahaa duunka ayuu Madaxweyanah Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo wuxuun munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka, ugu hambalyeey dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyaga iyo qoysaskooda.
Madaxweynaha ayaa Shaqaalaha Soomaaliyeed uga mahadcelinayay maskaxda iyo muruqa ay geliyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalkooda,dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ah ee ay ku leeyihiin sooyaalka dalka, iyagoo saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shaqaaluhu maanta oo kale ay mudnaayeen u qabashad dabaaldegyo, kulamo lagu sharfayo iyo guddoonsiin abaalmarino,Hase yeeshee, saamaynta uu keenay caabuqa Corona darteed aysan suurtogal ahayn.
Madaxweynaha ayaa xusay in dalku maanta la tacaalaya halis caafimaad oo uu sababay cudurka COVID-19, kaasoo dunida oo idil ku yeeshay saamayn xoog leh oo dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha, bulshada iyo weliba suuqyada shaqooyinka ah,ayadoo intaas ay Soomaaliya u dheer tahay masiibooyin dabiici ah oo ku dhuftay qaybo ka mid ah dalka iyo falalka kooxaha argagixisada ah.
Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in Dhammaan caqabadahan umada ku waajibinayaan inay sii laba laabaan dadaalka iyo waxqabadka, lana mideeyo muruqa iyo maankeenna, si loo xaqiijiyo hiigsiga ku aaddan dal horumarsan oo barwaaqo ah.
Inkasta oo shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku shaqeeyeen duruufo adag, haddana waxaay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyagoo ka gudbay caqabado badan, isla markaana xaqiijiyay rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dib u soo nooleynta Qarankeenna ayaa lagu yiri Qoraalka Hanbalyada ee madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu Tilmaamay inay Dawladdu xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo sharafta shaqaalaha Soomaaliyeed, kuwa dawladda u shaqeeya iyo kuwa aan dawladda u shaqaynbaayana mudnaanta siiyeen kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada.
Madaxweynaha Farmaajo ayaa Xusay in Maamulkiisu xaqiijiyay bixinta xaquuqda shaqaalaha dawladda siinta mushaharkooda, taasoo looga golleeyahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalka, isgoo hoosta ka xariiqay inay ku dadaalayaan sidii guri kasta oo Soomaaliyeed u heli lahaa dhaqaale uu ku maareeyo noloshiisa.
Si loo xoojiyo xuquuqda iyo waxqabadka shaqaalaha, wuxuu sheegay Madaxweynuhu inay dardar gelinayaan dadaallada ku aaddan xoojinta Iskaashatooyinka gudaha ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Ugu danbayntii dhanbaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu yiri Waxaan munaasabaddan uga faa’iidaysanayaa inaan halkaan baaq uga diro loo-shaqeeyeyaasha, ha ahaadaan dawlad, ganacsato, iyo hay’ado kaleba, in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha waqtigan adag ee cudurka COVID-19 saameeyay noloshooda oo idil. Ha la isku naxariisto si EEBBE noogu naxariisto.
Madxwynaha ayaana Alle naxariistiisa u weydiinayaa waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda Hooyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here