Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inaan cidna laga ogolaan doonin waqti kororsi.

Madaxweynaha Jumhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ka qeyb galay Xuska 15 may oo ah maalinta dhalin yarada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay shirkii maalmo ka hor madaxda Dowladda dheexe iyo maamul gobaleedyada ugu soo idlaaday Magaalada Garoowe iyo waxyaabaha hogaamiyeyaasha maamulada qaarkood ku qanci waayeen.
Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday arinta Maamulka Gal-mudug ayaa sheegay in watashi badan kadib uu madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka hor yimid arimo badan oo lagu heshiiyay oo ku saabsan xalka maamulka Galmudud.
Madaxeyne farmaajo ayaa Hooseta ka xariiqay in maamul goboleed iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya midna laga ogolaan doonin inay waqti kororsi Samaystaan cidwalbana ay Waajib ku tahay inay marka uu xilkeedu dhamaado doorashada xigta u diyaar garowdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here