Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay guul Gaareen kadib deganaansho siyaasadeed oo ay muujiyeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo bogaadiyey guusha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ka gaareen barnaamijka Deyn Cafinta ayaa soo dhaweeyey heerka sare ee uu gaaray xiriirika iskaashi ee DFS iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee Adduunka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay sii amba-qaadidda dadaallada horumarinta dhaqaalaha dalka, ayna Soomaaliya qorsheynayso inay xubin ka noqoto Hay’adda Dammaanad-Qaadka Caalamiga ah (Multi-Lateral Investment Guarantee Agency), oo ah tallaabo kale oo xoojineysa in dalka ay ku soo hirtaan malgashadeyaasha caalamiga iyagoo aan walwal ka qabin masiirka hantida ay ku maalgashanayaan Soomaaliya
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dalalka iyo hay’adaha heer caalami iyo heer gobol ee ku garab istaagay Soomaaliya sidii ay u xisaab xiri lahayd deymaha soo jiitamay ee culeysiyey tunka dhaqaalaha wadanka.
Ra’siulwasarah,Wasiirka Maaliyadda, Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Gole, Madaxda Maamul Goboleedyada, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayuu Madaxweynuhu ku bogaadiyay sida ay ugu midoobeen, uguna dhabar adeygeen ka miro dhalinta hiigsiga deyn cafinta iyo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha dalka Soomaaliy.
Ra’isulwasaaraha Xukuumada Fedraalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre ayaa sheegay in kadib markii dowladu nidaamisay hab maamulka Maaliyada ay ku guulaysteen in laga cafiyo daymaha sidoo kale dalka Soomaaliya laga hor leexiyay caqabado badan oo ku hor go’naa wuxuuna xusay inay tahay guul ay u siman yihiin dhamaan dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here