Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambaxay dalka Ereteriya

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ay goor dhow u ambabaxeen magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea.
Madaxweynaha ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada muqdisho waxaa ku sii sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda,isaga oo ay wehelinayaan Wasiiro iyo Madax kale oo ka tirsan Dowladda.
Ujeedka safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in Magaalada Asmara ay Shir Saddex geesood ah ku yeelan doonaan madaxweynayaasha,Soomaaliya, Eritrea iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Kulanka ayaa waxaa ay uga hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xaladda gobolka,xiriirka ka dhaxeeya Saddexda dowladood iyo dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shalay bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in wada-hadallo ay Asmara uu kula yeelan doono,Madaxweynayaasha Soomaaliya,Eritrea.
Madaxtooyada Soomaaliya weli wax war ah dhankeeda kaa soo saarin safarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Maanta ugu ambabaxay dalka Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here