Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed oo sheegay inaan heesta qaran la qaadi Karin isagoo maqan

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ,Salva Kiir ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucay in heesta qaran ee dalkaasi laga qaado kulan uunan isaga goobjoog ka ahayn.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee Koonfurta Suudaan, Michael Makuei ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in mas’uuliyiin badan iyo xarumo dowladeed ay wax u dhimayaan sumcadda heestaasi.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in cid waliba lagu wargelinayo in heesta qaran ee Suudaanta Koonfureed loogu talagalay in madaxweynaha loo qaado oo keliya .
Waxaa uu xusay inay jiraan wasiiro, xoghayayaal iyo guddoomiyaal marka ay xaflad ka qeybgalaan la qaadayo heesta qaran.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in amarka ka soo baxay Mr. Kiir lagu ansaxiyay fadhi ay yeesheen golaha wasiirada.
Mr.Makuei ayaa intaasi ku daray in heesta qaran ee Suudaanta Koonfureed laga qaadi karo oo keliya safaaradaha iyo dugsiyada.
Dhanka kale madaxda ciidamada militari ee Suudaanta Koonfureed ayaa laga mamnuucay inay dadweynaha la hadlaan iyagoo ku labisan dareeska shaqo.
Hasa ahaate wasiirka ayaan faahfaahin ka bixin tallaabada laga qaadayo ciddii amarkan aan u hoggaansamin waxaana uuna ku gaabsaday oo keliya waa la garanaya waxa uu la kulmayo qofkii iska dhaga tiro amar madaxweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here