Madaxweynaha Tanzania oo ka mahadceliyay dahab dalkiisa laga soo xaday oo la celiyay

Saraakiisha ugu sareysa Kenya ee ay hogaamanaysay wasiirada wasaaradda Arimaha Dibada dalka Monica Juma ayaa maanta wadanka Tanzania ku celiyay 35.4kg oo dahab ah kaasi oo laga soo xaday Tanzania.
Dahabkan ayaa la sheegay in sanadkii hore laga qabtay gagida caalamiga ah ee diyaaradaha Jomo kenyaatta.
Qiimaha dahabkan dib loogu celiyay wadanka Tanzania ayaa lagu qiyaasay 100milyan .
Wafdiga Kenya ee dib ugu celiyay dahabka laga soo dhacay Tanzania ayaa waxaa ku jiray agaasimaha dacwad soo oogida dalka Nuurdiin Xaaji waxaa uuna u sheegay madaxweynaha Tanzania in ay qalbika ugu hayaan sida walaalahooda oo kale.

 

Dib u celinta dahabkan ayaa timid kadib markii ay wadahadal sameeyeen madaxweynaha dalka Uhuru kenyaatta iyo dhigiisa Tanzania John Magufuli.
Labadan hogaamiye waxaa ay sheegen inay sii wadi doonaan iskaashiga ka dhanka ah ganacsiga sharci darada ah.
Sikastaba ahaate dowladda Tanzania ayaa baaritaan ku heysa sidii loo dhacay dahabkaasi iyo inay ku lug leeyihiin mas,uuliyiin ka soo jeeda dalka Tanzania.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here