Madaxweynaha Tanzania oo ka tacsiyadeeyay geerida maalqabeen dalkaasi u dhashay

Madaxweynaha wadanka Tanzania John Magufuli ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Reginald Mengi oo ahaa maalqabeen u dhashay wadankaasi.
Magufuli ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitarka waxaa uu Mengi ku tilmaamay saaxiib ay aad isugu dhawayeen.
Sido kale waxaa uu ku ammaanay inuu kaalin weyn ka qaatay horumarka Tanzania isagoo aragtiyo muhiim ah ku soo bandhigay buug uu qoray oo uu ugu magacdaray I Can, I Will, I Must micnaheeduna tahay waa awoodaa , waan sameynayaa waana khasab inaan sameeyo.
Hoggaamiyaha Tanzania ayaa qoyska uu ganacsadahan ka baxay iyo dhammaan shaqaalaha shirkadda IPP iyo ganacsatada dalkaasi ugu baaqay inay Samir muujiyaan isagoo u sheegay in dowladda Tanzania ay murugada la qeybsanayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here