Madaxweynaha Togo oo xilkiisa difaacday

Madaxweynaha dalka Togo , Faure Gnassingbe ayaa mar kale ku guulaystay doorashada madaxtinimo ee wadankaas.
Guddiga doorashooyinka ee Togo ayaa shaaca ka qaaday in Faure uu helay boqolkiiba 72% ee codadkii la dhiibtay.
Waxay tani sii kordhinaysaa mudada uu mas’uulkan xilka hayay ee ah 15 sano iyo boqortooyada wadankaas ka jirtay tan iyo afgembigii 1967-dii.
In kastoo xisbiyada mucaaradka ee Togo ay dhigeen dibadbaxyo ay ku doonayaan in Faure Gnassingbe uu xilka ka dego marar badana ay baaq u direen , haddana maynan ku guulaysan inay sameeyaan olole ballaaran oo codeynta loogaga adkaan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here