Madaxweynaha Turkiga oo beeniyay inuu ciidamo Suuriyaan ah u diray Azerbaijan

Khudbad uu madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan maanta u jeediyay xildhibaanada ka tirsan xisbigiisa talada haya ee AK Party ayuu ku sheegay in Turkigu uusan u dirin dagaalyahanada Syria wadanka Azerbaijan.
Waxaa uu beeniyay warar maalmihii la soo dhaafay la isla dhexmarayay oo ahaa in Turkiga uu dagaalyahano Suuriyaan ah geeyay Azerbajian.
Madaxweyne Erdugan waxaa uu ku baaqay in gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh dib loogu celiyo Azerbajian .
Maalmihii la soo dhaafay wadamada Ruushka, Faransiiska iyo Mareykanka ayaa garwadeen ka ahaa wadahadal nabadeed iyo xabad joojin lagu qancinayay dalalka dagaalmaya Armenia iyo Azerbajian.
Balse tan ayaa u muuqata inaysan wali dhaqangalin maadaamada dalalkaas ay wali duqeymo isla beegsanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here