Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlay doorashada ku celiska ah ee duqa magaalada Istambul

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay inay jirtay wax isdaba marin markii ay dhaceysay doorashada Turkiga laguna shubtay codadkii laga helay doorashada duqa magaalada Istanbul.
Erdogan oo ka hadlayay shir uu maanta la yeeshay xubnaha baarlamaanka ee ka tirsan xisbigiisa AK Party ayaa waxaa uu sheegay in doorashada oo lagu celiyo ay tahay xalka kama dambeysta ah oona go’aan looga gaari karo.
Mucaaradka Turkiga ayaa horay ku guuleystay doorashada meeyarka magaalada Istanbul, waxa ay ka hor yimaadeen in lagu celiyo doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here