Madaxweynaha Turkiga oo shacabkiisa ugu baaqay inay cunaqabateeyaan badeecadaha Faransiiska

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay shacabka wadanka Turkiga inay cunaqabateeyaan badeecadaha laga keeno dalka Faransiiska xilli ay sare u kaceyso xiisadda ka dhalatay mowfiqka Faransiiska ee ku aadan islaamka.
Macron ayaa Arbacadii cambaareeyey wax uu ugu yeeray “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH, kadib markii la gowracay Samuel Paty, oo ahaa macallin Faransiis ah oo ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH.
Hadallada Erdogan ayaa dhaliyey in Paris ay carooto una yeertao safiirkeedii Ankara.
Xiriirka Macron iyo Erdogan ayaa dhowaanahan sii xumaanayey sababo la xiriira juqraafi siyaasadeedka gobolka, sida muranka badda ee Greece iyo Turkey iyo dagaalka Armenia iyo Azerbaijan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here