Madaxweynaha Turkiga oo sheegay inuu wadahadal la yeelan doono Donald Trump

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu madaxweynaha dalka maraykanka Donald Trump kala hadli doono ibsashada gantaalada uu sameeyay Maraykanka.
Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters Jimcihii, ayuu Erdogan ku sheegay inuu kala hadli doono Trump iibsashada gantaalaha cirka ee loo yaqaano Patriot-ka.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inuu toddobaadkii hore khadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Maraykanka balse wadahadalaasi uu sii wadi doono marka ay ku kulmaan shirka golaha guud ee qaramada midoobay kaaso furmaya usbuuca soo socda.
Tani ayaa timid ayadoo Maraykanka uu ka caraysan yahay soo iibsashada Turkiga gantaalada difaaca S-400 kaasi uu kala so wareegay Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here