Madaxweynaha Uganda oo xayiray isku socodka shacabka

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa soo saaray ama gebi ahaanba lagu mamnuucayo dhaqdhaqaaqa dadweynaha wadankaas.
Amarkan oo shaqeynaya muddo laba toddobaad ah ayaa dhigaya in shacabka aynan guriyahooda ka soo bixi Karin.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo ilaa iyo hadda gudaha Uganda laga xaqiijiyay 33 kiis oo ah kuwa cudurka Covid19 ee loo yaqaano Coronavirus.
Waxaan shaqeyn Karin baabuurta sida gaarka ah loo leeyahay.
Sido kale Waxaa la xiray bakhaarrada cunada , maqaayadaha leh qeybta jiifka , goobaha haweenka lagu qurxiyo halka adeegyada lagu dalbanaya qaab online ah.
Dowladda ayaa dadka saboolka ah cunno siinaysa waxaana maanta Uganda ka dhaqan galaya Bandow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here