Madaxweynaha Venezuela oo hakiyay wada hadalkii mucaaradka ka dib cunaqabtayntii Maraykanka

Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro ayaa ku amray in xubanah dowladiisa u matalaya shirka iyo wada hadalka xubanah mucaradka aysan u anbabixin dalka Barbados manata.
Asaga oo eedeeyay cunaqabtayntii dalka Maraykanka uu ku soo rogay dalkiisa.
Laba dhinac ayaa waxay bilabeen Bishii July oo ay ku kulmeen dalka Barbados si xal waara loogu helo xasilooni darada siysadeed ee dalkaasi ka jirto.
Balse waxa uu sheegay in taasi ay micnaheeda ahayn ee dowlada ay isaga keceyso miiska wada hadalka.
Isniintii ayaa madaxweynaha dalka Maraykanka waxa uu cunaqabtayn saaray dowlada Venezuela,waxaana uu ku maray in shirakdaha kala duwan aysan ganacsi la samayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here