Madaxweynaha Zimbabwe oo codsaday in dalkiisa xayiraadda laga qaado

Madaxweynaha wadanka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa Maraykanka iyo dalalka qaaradda Yurub ugu baaqay inay dalkiisa ka qaadaan xayiraadaha saaran.
Cunaqabateenada dhaqaale ayuu ku sheegay kuwo sharci darro ah oo caqabad ku noqday in dhaqaalaha Zimbabwe uu ka soo kabto hoos u dhaca ku yimid.,
Arrimahan ayuu Mnangagwa shaaca ka qaaday xilli uu ka hadlayay fadhiga 74-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay oo ka socdo magaalada New York ee Maraykanka.
Hasa ahaate madaxweynaha ayaan ka hadlin ama wax jawaab ah ka bixin eedeymo loo soo jeediyay maamulkiisa oo ah inuu ku kacay cabburin siyaasadeed.
In ka badan 50 qof oo ka mid ah dadka dhaliila dowladda iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo xuquuqul aadanaha ee Zimbabwe ayaa sannadkan lagu afduubtay gudaha dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here