DHAGEYSO:Madaxweynayaal ka soo qeyb geli doono aaska Mzee Moi

Waxaa lagu wadaa in ku dhawaad 10 madaxweynayaal ah ay dalka soo gaaran si ay uga qeyb galaan aaska qaran ee loo sameynaya madaxweynihi labaad ee dalka.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda amniga gudaha Karanja Kibicho ayaa sheegay in dowladda diyar u tahay in ay dalka ku soo dhaweyso madaxweynayaashan.
Madaxdani ayaa waxaa kamid ah madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni iyo dhigiisa Konfurta Suudan Salva Kiir.
Beri ayaa lagu wadaa in xaflad qaran oo lagu sagootinaya Moi ay ka dhacdo Nyayo halka ay sido kale tahay maalin fasax ah sida horay uu u shaaciyay wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi.
Waxaa uu qorshuhu yahay inay maalinka Jimcada ee Moi la aasaya jaamacadda Kabarak University isugu tagaan ugu yaraan 30,000 oo qof.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr. George Natembeya oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay diyaargarowga arrintan ku aaddan , nidaamka kala dambeynta ee la doonayo iyo sida amniga loo sugay.Madaxweynihii hore ee dalka oo talada wadanka hayay 24 sano ayaa lagu aasi doonaa gurigiisa ku yaalla Kabarak maalinka Arbacada ee ku beegan 12-ka bishan Febraayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here