Madaxweynayaasha, Hir-shabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo gaaray Muqdisho

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle & Koonfur Galbeed ayaa gaaray caasimada Muqdisho, ka dib markii Maanta ay ku shireen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mas’uuliuiintaan kusoo dhaweeyay madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya, waxaana warar kal hore soo baxaya ay sheegayaan inay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde kula kulmi doonaan Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.
Madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa in Maalinta berito ah ay kulan kula qaatan Magaalada Muqdisho Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo kala hadli doona arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here