Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dalka Koonfur Afrika(Daawo Sawiro)

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay galab ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha ayaa maanta waxa uu magaalada Pretoria kaga qeyb galayaa caleema saarka Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa.

Inta uu ku suganyahay dalkan kulamo xog-wareysi ah ayuu la yeelan doonaa jaaliyadda iyo ganacsatada Somaliyed ee ku nool dalkaasi.

Somaliya ayaa kaalin mug leh ka qaadatay la dagaalankii midab kala sooca ee dalka South Afrika, iyada oo la rajeynayo booqashadan Madaxweynaha inay noqoto mid sii dardar gelisa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb galaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Matamela Ramaphosa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here