Madaxweyne farmaajo oo Magaca ka bedelay Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu xirayay wajiga Saddexaad ee Shirka magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu Magaca ka bedelay Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweeynaha ayaa yiri “Shirkii Dhuusamareeb2 waxaa la ii keenay soo jeedin la iyiri magaaladaan waa mid Taariikhi ah magaceduna waa magac ka duwan magacyada magaalooyinka Soomaalida marka si aan u casriyeyno magaca magaalada waxaa madaxweynuha iyo Masuuliyiin badan iga codsadeen inaan ugu dhawaaqo magac kale oo la yiraahdo Samareeb”
Dad badan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Go’aankaan uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo magacii uga beddalay Magaalada Dhuusamareeb oouu u bixiyay SAMAREEB.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here