Madaxweyne Farmaajo oo qaramada midoobay ka hor sheegay guulihii ay gaartay dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha golaha guud ee jimciyadda ka dhexeysa ayaa ka warbixiyey xaaladda siyaasadda, dhaqan dhaqaale iyo amni ee dalka dariska ah ee uu hoggaamiyo.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay qorshayaasha iyo tallaabooyinka hortabinta leh ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Waxaa uu xusay in tallaabooyinkaasi ay sii xoojiyeen midnimada, wadajirka iyo yididiilada shacabka soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda caalamka ee ka qeyb galaya kal fadhigga 74-aad ee shirka golaha guud ee qaramada midoobay ee magaalada New York dalka Maraykanka la wadaagay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan daris wanaagga, ixtiraamka shuruucda iyo mabaadi’da caalamiga ah.
Hoggaamiyaha dalka soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriir ku saleysan iskaashi, is-ixtiraam iyo dheef ama faaiido wadaag ay Soomaaliya doonayso inuu kala dhexeyo dalalka gobolka.
Dhanka siyaasadda, Madaxweynaha ayaa sheegay in wadahadallada heer Qaran hadda diiradda lagu saaro xaqiijinta siyaasad loo wada dhan yahay, tayeynta adeegyada dowladda, dib u habaynta maaliyadeed iyo dhaqaale, kobcinta dhaqaalaha, dowlad wanaagga iyo sare u qaadidda iskaashiga heer gobol.
Madaxweynaha oo sido kale ka hadlay arrimaha ammaanka ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay dowladnimada Soomaaliya u leedahay dhisidda ciidan qalabaysan iyo hay’ado ammaan oo udub-dhexaad ay u tahay ilaalinta xuquuqda banii’aadamka.
Ugu dambeyntii, madaxweyne Maxamad Cabdullahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey beesha caalamka, dalalka walaalka iyo saaxiibada soomaaliya sida ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here