Madaxweyne Farmaajo oo sheegay inaan la qaadan Karin dhul soomaaliyeed

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galinkii dambe ee shalay dib ugu laabtay dalka soomaaliya kaddib markii uu kasoo qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afika Cyril Ramaphosa ayaa khudbad uu u jeediyay jaaliyadda soomaaliyeed ee uu halkaasi kula kulmay ku sheegay inaynan jirin cid ama dal daris ah oo dhul soomaaliyeed la wareegi karto.
Waxaa uu ku boogaadiyay inay dowladda ku taageeraan arrimaha horumarka.
Sido kale Mr. Farmaajo ayaa qeexay in cidii isku daydo inay dhulka soomaaliyaa qaadato ay iyadu u dhimanayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here