Madaxweyne John Magufuli oo xilkiisa difaacday

Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli ayaa markii labaad ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday dhawaan kaddib markii uu si aqlabiyad leh codadkii la dhiibtay ugu guuleystay.
Mucaaradka dalkaasi ayaa codbixintii la dhiibtay ku tilmaameen mid la musuqmaasuqay.
Ninka sida weyn ula tartamaya Mr Magufuli, Tundu Lissu ayaa sheegay in wakiilada xisbigiisa laga hor istaagay inay galaan goobaha codbixinta intii ay socotay doorashadii dhacday maalinkii Arbacada ee toddobaadkan.
Komishanka doorashooyinka Tansaaniya (NEC) ayaa gaashaanka ku dhuftay sheegashada musuqmaasuq ee xisbiga mucaaraadka .
Guddiga doorashooyinka ee Tansaaniya ayaa shaaca ka qaaday in Mr magafuli uu helay boqolkiiba 84% codadkii la dhiibtay, halka Mr Lissu uu helay 13%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here