Madaxweyne Kenyatta oo ka soo hor jeestay lacaga la siin rabay xildhibaanadii hore

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa diiday inuu ogolaado wax ka badalka sharciga howlgabka baarlamaanka, kaas oo lagu waday in mudanayaashii howlgabka ahaa intii u dhaxeysay sanadihii 1984 iyo 2001 ay heli lahaayeen 100,000 oo ah lacagaha howlgabka bil kasta.
Afhayeenka baarlamaanka dalka Justin Muturi ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka soo horjeedo wax ka badalka oo uu maal galiyay hogaamiyaha laga tirada badan yahay John Mbadi maadama lacagaahsi ay aad u tiro badan yihiin.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dalku uu si isdaba joog ah u sameynayo horumarka laga gaarayo himilada bulsho barwaaqaysan, sinaan leh iyo farxad wallow ay jiraan xiisado siyaasadeed oo ka dhalanaya doorashada madaxtinimada ee 2022.
Madaxweynaha oo maanta guddomiyay shirka Golaha wasiirradu ayaa u oggolaaday dhaman shaqaalaha caafimaadka ee safka hore kaga jira la dagaalanka cudurka covid-19 inay helaan lacago gunooyin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here