Madaxweyne Kenyatta oo maanta guddoomay warbixinta Huduma Namba

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa helay warbixin ku saabsan Huduma Namba, taas oo dalka ka qabsoontay bishii Abriil 2019.
Madaxweynaha ayaa warbixinta guddoomay intii lagu guda jiray shirkii Golaha Wasiirada ee lagu qabtay Akadeemiyada Sharciga Adeegga Duurjoogta ee Kenya ee degaanka Manyani.
Warbixinta loo gudbiyay Madaxweynaha jimcihii waxaa looga hadlay arrimo kale oo ay ka mid yihiin mashaariicda internetka ee qaranka, mashaariicda juquraafi ahaaneed ee hawada laga soo qaado iyo mashruuca Warshadaha Amniga Qaranka.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in warbixinta lagu soo qaatay dhowr arimood oo kale oo quseeya amniga iyo danaha qaranka.
Shirka Golaha Wasiirada waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka dalka William Ruto, Madaxa Adeega Dadweynaha Joseph Kinyua iyo dhamaan wasiirada.
Ugu danbeyn madaxweynaha qaranka ayaa beeniyay in mashruuca Huduma Namba uu yahay mid loo adeegsan doona IN wax isdaba marin lagu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here