Madaxweyne ku xigeenka Afghanistan oo qarax ka badbaaday

Afhayeenka ku xigeenka madaxweynaha dalka Afghanistan Razwan Murad ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook-ga ku sheegay in hoggaamiyaha labaad ee wadankaas Amrullah Saalex uu qarax ka badbaaday.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday miino lagu aasay waddo ku taalla caasimadda dalkaas ee Kabul.
Waxaa uu intaa ku daray in weerarka lala damacsanaa kolonyo baabuur oo uu la socday madaxweyne ku xigeenka .
Sido kale waxaa uu mas’uulkan xusay inay dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ah ilaalada ku xigeenka madaxweynaha Afghanistaan.
Wasaaradda caafimaadka ee wadankaas ayaa sheegtay in la helay meydadka labo qof halka dhaawaca uu yahay toddobo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here