Madaxweyne ku xigeenka dalka oo baaq u diray muslimiinta

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa bulshada muslimiinta ah ugu baaqay in iyadoo ay dhawaan billaabanaysa bisha Ramadaan laga doonayo inay raacaan talooyinka wasaaradda caafimaadka iyo amarrada dowladda ee lagu xakameynayo faafitaanka coronavirus.
Baaqan ayuu diray xilli uu kulan la qaatay mas’uuliyiinta golaha saree e muslimiinta ee SUPKEM, hoggaanka masjidka weyn ee Jamia iyo xubno kale.
Waxaa kulanka ka qeyb galay guddoomiyaha dalladda SUPKEM Xassan Naado, xoghayaha guud Ambasadoor Maxamad Mahat, Prof. Cabdullatif Essajee iyo Prof. Fatma Cali oo matalaysay haweenka muslimiinta ah ee dalka.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay fahansan tahay muhiimadda ay leeyihiin madaxda iyo ururada diimeed gaar ahaan xoojinta dhaqangelinta amarrada lagu dhawaaqay.
Waxaa uu si gaar ah ugu mahadceliyay golaha saree e muslimiinta ee (SUPKEM) oo uu xusay inuu kaalin weyn ka qaadanaya la dagaalanka cudurka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here