Madaxweyne ku xigeenka dalka oo beeniyay inuu qeybiyay cunto sumeysan

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa iska fogeeyay cunto gargaar ah oo laga qeybiyay deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu oo la sheegay in dadkii isticmaalay ay waxyeello ka soo gaartay.
Tani ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qaar ka mid ah shacabka deegaankaas ay billaabeen inay ka sheegtaan calool xanuun.
Xoghayaha dhanka isgaarsiinta u qaabilsan madaxweyne ku xigeenka wadanka David Mugonyi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Ruto uunan ku lug lahayn gargaarkaas la bixiyay ee ay dhaliisha ka dhalatay .
Dadka qaar ayaa warbaahinta u sheegay in cuntada la qeybiyay lagu soo daabacay qoraal tilmaamaya inay ka timid hay’adda William Ruto Foundation iyo Kimani Ichung’wah oo ah mudanaha deegaanka.
Hasa ahaate Mr. Mugonyi ayaa bayaanka ku xusay in warbixinada qaar ay tilmaamayaan in cuntada si degdeg ah baabuur socday looga dejiyay halka waxyaabaha lagu qorayna ay been abuur yihiin.
William Ruto ayaa sheegay in hay’addiisa ay cunto gargaar ah bixiso oo keliya iyadoo kaashanaysa goobaha cibaadada iyo mas’uuliyiinta degmooyinka.
Jawaabta arrinkan laga bixiyay waxaa qeyb ka ah in hay’adda ay horay cunno uga qeybisay Nairobi iyo deegaannada u dhow iyadoo wax eedeyn ama dhib ah aynan ka dhalan sidaas awgeedna waxyaabaha la faafiyay laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah.
Sido kale waxaa arrinkan ka hadlay mudanaha laga soo doortay deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu, Kimani Ichung’wah oo qoraalo uu soo dhigay baraha ku leeyahay twitarka iyo Facebook-ga ku beeniyay inuu qeybiyay cuntadaas.
Xildhibaanka ayaa sheegay in arrinkaas ay sameyeen dad uu ku tilmaamay kuwo siyaasad ahaan ay iska soo horjeedaan.
Waxaa uu sheegay in qoys ku nool tuulada Gikambura oo ka mid ah dadka la sheegay inay ku sumoobeen cuntada la daaweeyay.
Mr. Kimani ayaa shacabka ku wargeliyay inay aad uga taxadaraan cidda wax u qeybinaysa oo uu xusay inay suurtagal tahay inay leedahay dano kale oo siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here