Madaxweyne ku xigeenka dalka oo cadow ku tilmaamay dadka dhaleeceeya waxqabadskiisa

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in dadka ka soo horjeeda waxqabadkiisa ay cadoow ku yihiin hormarka dalka.
Hadalkan ayuu jeediyay xilii uu ku sugnaa ismamaulka Bungoma.
Dr Ruto ayaa ka dhawaajiyay in ahmiyadda koowaad ay tahay in wax loo qabto Kenyaanka la daala dhacayaa sida ay ku heli lahayeen nolol maalmeedkooda.
Waxaa uu siyaasiyiinta ugu baaqay in kaalinta koowaad ay ka dhigaan shacabkii soo doortay oo ayna wax u qabtaan.
Shalay ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka iyo siyaasiyiinta xulafada la ah ay dood ku saabsan kala dirista baarlamanaka iyo wajiga labaad barnaamijka Huduma Number ku qabteen dowlad deegaanka Bungoma.
Shari dejiyaasha taageersan madaxweyna ku xigeenka William Ruto ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu yeeray inuu kala diro baarlamanka sababaha la xiriira sharciga jinsiga ee saddax meelod laba meel sida uu ku taliyay madaxa cadaaladad David Maraga.
Xildhibanada ayaa sheegay in madaxweynaha uu raaco waxa dastuurka ku qeexan oo uu ku dhaartay inuu ilaaliyo dabadeedna uu baarlamanka kala diro isuguna yeero doorasho hor leh.
Waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay mar kale u loolamaan kurastooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here