Madaxweyne ku xigeenka dalka oo dhaliilay madaxa mucaaradka

DP WIlliam Ruto addresses resdients of Kapsabet after opening several facilitis at the Kapsabet county referal hospital in Nandi County.PicCharles KimaniDPPS

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto aya eedeyn hor leh u jeediyay madaxa mucaaradka ahna ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka Raila Odinga
William Ruto ayaa ku andacoonaya in baaqa Raila ee la xariira in dastuurka wadanka u degsan afti loo qaado si wax looga beddelo uu yahay mid Kenyaanka kala qeybinaya.
Waxaa uu dadweynaha u soo jeediyay inay ka taxadaraan iskuday kasta oo keeni karo inay kala qeybsamaan isagoo sida uu hadalka u dhigay la fulinayo dano siyaasadeed.

Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in dalka uunan hadda diyaar u ahayn siyaasad kala qeybsanaan ku saleysan.
Dhawaan ayay ahayd markii Raila Odinga uu sheegay inaynan jirin cid hor istaagi karto isbeddel lagu sameynayo dastuurka haddii taasi ay soo jeediyaan xubnaha guddiga dib u heshiisiinta ee BBI, shacabkuna ay soo dhaweyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here