Madaxweyne ku xigeenka dalka oo eedeyn u jeediyay xisbiga mucaaradka ee ODM

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa xisbiga ODM ku eedeyay inuu isku dayayo inuu difaaco falalka musuqmaasuqa ee laga soo tabiyay maamulka qaybiya agabka iyo daawooyinka caafimaad ee (KEMSA).
Tani ayaa timid kaddib markii xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna uu warbaahinta ku dhaliilay inay buunbuuninayso arrinkan.
William Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twittarka ku sheegay inaysan arrin lala yaabo ahayn in ODM ay iskudaydo difaaca fadeexad la hadal hayo.
Ruto ayaa qoraalkiisa ku xusay in heshiiskii dhexmaray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa ODM, Raila Odinga lagu doonayay lunsasho dhaqaale.
Xoghayaha ODM ayaa durbaba ka jawaabay qoraalka Ruto isagoo xusay inay dalbadeen in la sameeyo baaritaano dhanka hanti dhowrka ah taasina aynan ka dhigneyn xatooyo la difaacay.
Waxaa sido kale xisbiga ODM dhaliilay xoghayaha guud ee ururka qaran ee kalkaliyaasha Seth Panyako oo Edwin Sifuna u sheegay in laga doonayo inuu qadariyo xafiisyada qaabilsan dambi baarista si ay waajibaadkooda u gutaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here