Madaxweyne ku xigeenka dalka oo faahfaahin ka bixiyay qorsho lagu caawinayo dadka ay abaarta saameysay

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay dhawaan billaabi doonto qorsho maalmo ka hor uu ka hadlay wasiirka dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa.
Qorshahan ayaa ah in wax laga beddelo nidaamkii horay loogu gargaari jiray dadka macluusha wajahaya.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in iyadoo qeybo ka mid ah dalka weli laga dareemaya saameynta abaarta ku dhufatay , maamulka talada haya ee Jubilee uu go’aansaday in dadka la caawinayo si toos ah lacago loogu diro taleefoonadooda .
Waxaa uu intaasi ku daray in barnaamijkan uu fududeyn doono howlaha gargaar ee dowladda .
Sido kale waxaa uu xusay inuu yahay mid aan xaddiideynin qofka maadaama lacagtaasi uu ku soo iibsan karo cunno waliba oo uu u baahan yahay halkii galeey la qeybin lahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here