Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ka hadlay hannaanka lagu qaybsanayo dhaqaalaha wadanka

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inaan loo baahnayn in lagu kala qaybsamo nidaamka dowladda dhexe iyo ismaamullada ay u wadagayaan dhaqaalaha wadanka soo galo.
Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka waxaa uu senatarada ugu baaqay inay ka shaqeyaan sidii horumar siman looga sameyn lahaa dhammaan ismaamullada .
Xubnaha aqalka sare oo yeeshay kal-fadhiyo dhowr ah ayaan weli arrinkan xal ka gaarin.
Senatarka ismaamulka Murang’a ahna mas’uulka siyaasiyiinta xisbiga Jubilee u qaabilsan dhanka nidaamka ee aqalka sare Irungu Kang’ata ayaa sheegay inaynan sii socon doonin wada -hadalo dheeeraad oo arrinkan ku aaddan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aqalka sare uu berri oo Talaado ah yeelanaya kal-fadhiga ugu dambeeya ee ku saabsan qaybsashada dakhliga qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here