Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ka hadlay lacag lagu bixinayo kuliyadaha farsamada.

Madaxweyne ku xigeenka William Ruto ayaa shaaca ka qaaday lacag dhan 6 billion oo Bangiga Adduunku uu ku bixinayo kulliyadaha farsamada oo uu sheegay in lagu kobcin doono kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta manhajka cusub ee waxbarashada iyo tababarada.
Mashruuca bankiga aduunka ayaa la filaya inay ka faa’idaystaan kuliyadaha lagu barto farsamooyiinka ee Meru,Kisumu National Polytechnic.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa hadalkan jeediyay xili uu ku sugna munaasabad qalin jabin ah oo ka dhacaysay Meru National Polytechnic.
Dr Ruto ayaa xusay in dhaqaale hoosaadku ay muddo dheer culays ku haysay kobcinta kuliyadaha lagu barto farsamada.
Waxaa uu sheegay hogaamiyaha labaad ee dalka in agabyo badan lagu soo darey machadyada farsamo dalka iyadoo dowladda ay dib u cusbooneysiisay diiradda saareysa tababar ku saleysan kartida dhalinyaradda.
Dr Ruto wuxuu sheegay in dib-u-nooleynta iyo kor u qaadista waxbarashada farsamada iyo xirfaddaha ay gacan ka geysan doonto in la baabi’iyo shaqo la’aanta korna loo qaado ganacsiga iyo hal abuurka taasi oo uu sheegay inay qeyb ka tahay afarta ajendo ee ugu waaweyn sanadka 2030-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here