Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ka tacsiyadeeyay sarkaal meydkiisa lagu arkay gurikiisa

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ka tacsiyeeye dhimashada sarkaalkii ka shaqaynayay xafiiskiisa ee meydkiisa laga helay gurikiisa oo ku yaala xaafada Imara Daima ee Nairobi.
Hogaamiyaha labaad ee dalka ayaa sheegay inuu ka xun yahay geerida ku timid sarkaalkaasi.
askarigan oo ka mid ahaa ciidamada maamulka ee loo yaqaano AP-da ayaa loo malaynaya in la dilay balse waxaa socdaa baaritaano lagu ogaanayo inuu isaga is dilay iyo in la khaarijiyay.
Agaasimaha dambi baarista ee dalka George Kinoti ayaa sheegay in maanta la bilaabay baaritaan lagu xaqiijinayo.
Sarkalaka meydkiisa laga helay gurikiisa ayaa lagu arkay dhaawac rasaas ah.
Askarigan ayaa ka mid ahaa ciidamadii ka shaqaynayay harambe House oo ay baaritaano ka socdeen kuwaas oo lala xariirinayay wasiirkii ciyaaraha ee dalka Rashid Echesa.
Mr Echesa oo lala xariirinayaa lacag been abuur ah oo dhan 39 milyan ayaa ku sugnaa xafiiska Dr Ruto xilii uu sarkaalkaasi wardiye ka ahaa xafiiska.
Laba maalin ka hor ayaa ciidamada booliska lagu wargaliyay inuu maqan yahay ninkaasi.
aabaha dhalay sarkaalka la tuhmayo in la dilay ayaa sheegay in wiilkiisa bisha August ee sanadkan uu qorshaysanaaye inuu galo aroos balse tiisa ku timid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here