Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay dulqaad siyaasadeed

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo jeediyay in mas’uuliyiinta siyaasad ahaan iska soo horjeeda laga doonayo inay isku dulqaataan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in iyadoo ay jirto kala duwanaansho dhanka aragtida siyaasadeed ah haddana ay lagama maarmaan tahay in la is qadariyo.
William Ruto ayaa intaa ku daray in cid kasta looga baahan yahay inay tixgeliso danta shacabka iyo horumarka dalka.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa ku nuuxnuuxsaday in adeegsiga awoodda ciidamada dalka iyo caburin xuriyadda siyaasadeed aan wax faa’iido ah laga dhaxli doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here