Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay in la taageero dadka ay daadadka saameeyeen

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shacabka Kenyaanka ah kula taliyay inay caawiyaan dadka ay fatahaadaha saameeyeen.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in wadanka ay hadda ka jiraan caqabado badan oo culeys dheeraad ah ku keenay nolosha dad badan.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay saameynta cudurka covid-19, daadadka iyo Ayaxa.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in dad badan ay shaqo la’aan ku dhacday ,dhaqaale yari soo foodsaartay sido kalena ay meesha ka baxday waxyaabihii ay noloshooda ku tiirsaneyd.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa ku baaqay in sida uu qoraalka u dhigay dadka baahan gargaar cunno la gaarsiiyo.
In ka badan 190 qof ayaa ilaa iyo hadda ku dhintay ismaamullo kala duwan oo ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka culus ee da’ay halka kumanaan qoysas ahna ay ku barakaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here