Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay in sare loo qaado ka-falcelinta COVID-19

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa walaac ka muujiyay dhimashada ku sii kordheysa gudaha wadanka ee ka dhalatay cudurka COVID-19.
Waxaa uu shaaca ka qaaday in la joogo xilligii la kordhin lahaa dadaallada looga falcelinayo xaaladda caafimaad.
Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twittarka ku soo jeediyay in diiradda la saaro badbaadinta nolosha dhakhaatiirta.
Waxaa uu sidoo kale tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka baxeen in ka badan 30 dhakhaatiir ah oo ilaa iyo hadda gudaha Kenya ugu dhintay cudurka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here