Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay in si wanaagsan looga doodo warbixinta BBI

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo jeediyay in si deggan oo ay is qadarin ku dheehan tahay looga doodo qodobbada ku xusan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta ee BBI.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga si rasmi ah loogu wareejiyay warbixinta labaad ee BBI oo in muddo ah la wada sugayay.
Isniinta soo socoto oo ay taariikhdu ku beegan tahay 26-ka bishan ayaa la qaban doonaa munaasabad warbixinta lagula wadaagaya Kenyaanka.
Madaxweyne ku xigeenka wadanka ayaa hoosta ka xarriiqay inay lagama maarmaan tahay in aad looga fiirsado in lagu sii kala qaybsamo dhaqangelinta isbeddellada dastuuriga ee la soo jeediyay.
Dr. Ruto ayaa xusay in hoggaamiyaasha siyaasadeed laga doonayo inay isugu dulqaataan aragtiyada kala duwan ee ay qabaan.
Sidoo kale waxaa uu madaxda ku booriyay inay geedisocodka arrimaha BBI kaga faaiidaystaan xoojinya midnimada shacabka.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay inaysan jirin cid diiddan in dastuurka wadanka wax laga beddelo hadii loogu daneynaya dadweynaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here