Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku gacan seyray baaq ah inuu is casilo

Ku xigeenka madaxweynaha dalka , William Ruto ayaa gaashaanka u daruuray baaq uga yimid qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka oo sheegay in laga doonayo inuu xafiiska banneeyo.
William Ruto ayaa sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay ay yihiin kuwo aan xaqiiqda ku saleysnayan.
Qoraalka uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitarka , ayuu madaxweyne ku xigeenka dalka ku sheegay in boqolkiiba 99 ee xildhibaanada ka dalbanaya inuu iscasilo aynan weligood u codeyn madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta sidaas awgeedna aynan u tilmaami karin inuu daacad u noqdo.
Dr. Ruto ayaa intaas ku daray in afar mar oo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu tartan u galay qabashada hoggaanka ugu sarreeya ee wadanka uu u ololeeyay , taageeray sido kalena u codeeyay.
Ruto ayaa xusay in mucaaradnimo, eedeymo iyo aflagaaddo lagula kacay sannadihii 2013 iyo 2017 sidaas awgeedna uu iska dhaga tiraya.
Jawaabta William Ruto ayaa imaanaysa kaddib markii siyaasiyiinta isku tilmaama inay taageersan yihiin kulankii iyo heshiiskii sannadkii 2018-kii dhexmaray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM, Raila Odinga ay ka dalbadeen inuu is casilo.
Waxay wacad ku mareen inay baarlamaanka u gudbinayaan mooshin ku aaddan kalsooni kala laabashada Ruto.
William Ruto ayay siyaasiyiintan ku eedeynayaan inuu xilli hore guda galay olole siyaasadeed oo ku aaddan hammigiisa ah inuu talada dalka qabto sannadka 2022-ka.
Hoggaamiyaashan oo uu ka mid yahay xildhibaanka deegaanka Kieni, Kanini Kega ayaa sido kale sheegaya in ku xigeenka madaxweynaha uu

muuqdo inuunan la shaqeynayn Uhuru Kenyatta.

Dhanka kale xulafada William Ruto sida Moses Kuria iyo Maxamad Cali ayaa dhankooda Raila Odinga ku eedeyay inuunan daacad ka ahayn arrimaha BBI.
Waxay Mr. Odinga ku sheegeen inuu xoogga saarayo arrimo ay isaga dani ugu jirto.
Siyaasiyiinta dhaliilaya Ruto ayay ka dalbadeen inaynan la soo daahin mooshinka ay ku doonayaan in xilka looga xayuubiyo.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu sheegay in siyaasad ahaan bartilmaameedsi lagu hayo isagoo sida uu hadalka u dhigay loo adeegsanaya qaar ka mid ah saraakiisha dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here