Madaxweyne ku xigeenka dalka oo la kulmay golaha qaran ee waxgaradka

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa kulan la qaatay xubnaha golaha qaran ee waxgaradka.
Ruto ayaa odayaasha u sheegay inay lagama maarmaan tahay inay hormuud ka noqdaan xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada.
Waxaa uu kula taliyay inaysan qayb ka noqon iskuday kasta oo shacabka lagu kala qaybinaya sidoo kalena ay ku dadalaan soo afjaridda qabyaaladda.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa xubnaha golaha qaran ee waxgaradka u sheegay in laga doonayo in dhallinyarada ay ku dhiirrigeliyaan sidii ay ula wareegi lahayeen hoggaanka wadanka.
William Ruto ayaa ku nuuxnuuxsaday in geedisocodka warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ay Khasab tahay inuu noqdo mid dadweynaha si weyn looga qayb galiyo .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here