Madaxweyne ku xigeenka dalka oo loogu baaqay inuu is casilo

Siyaasiyiinta isku tilmaama inay taageersan yihiin kulankii iyo heshiiskii sannadkii 2018-kii dhexmaray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM, Raila Odinga ayaa ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ka dalbaday inuu iska xilka uu hayo.
Waxay wacad ku mareen inay baarlamaanka u gudbinayaan mooshin ku aaddan kalsooni kala laabashada Ruto.
William Ruto ayay siyaasiyiintan ku eedeynayaan inuu xilli hore guda galay olole siyaasadeed oo ku aaddan hammigiisa ah inuu talada dalka qabto sannadka 2022-ka.
Hoggaamiyaashan oo uu ka mid yahay xildhibaanka deegaanka Kieni, Kanini Kega ayaa sido kale sheegaya in ku xigeenka madaxweynaha uu u muuqdo inuunan la shaqeynayn Uhuru Kenyatta.

Dhanka kale xulafada William Ruto sida Moses Kuria iyo Maxamad Cali ayaa dhankooda Raila Odinga ku eedeyay inuunan daacad ka ahayn arrimaha BBI.
Waxay Mr. Odinga ku sheegeen inuu xoogga saarayo arrimo ay isaga dani ugu jirto.
Siyaasiyiinta dhaliilaya Ruto ayay ka dalbadeen inaynan la soo daahin mooshinka ay ku doonayaan in xilka looga xayuubiyo.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu sheegay in siyaasad ahaan bartilmaameedsi lagu hayo isagoo sida uu hadalka u dhigay loo adeegsanaya qaar ka mid ah saraakiisha dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here