Madaxweyne Ku xigeenka dalka oo shacabka ugu baaqay inay is xisaabiyaan inta uusan tirakoobka dhamaan

Hogaamiyaha labaad ee dalka William Ruto ayaa kenyaanka ugu baaqay inay tirakoobka ka qeyb qaataan inta uusan maanta dhamaan.
Hadalkan ayuu Mr Ruto ka jeediyay degmada Emurua Dikiir, ee ismaamul goboleedka Narok,.
Tirakoobka guud ahaan dalka ka bilawday 24-kii bishan ayaa maanta oo sabti ah ku eg kadib markii ay dowladda u qorshaysay inuu dhamaanayo 31 bishan oo maanta ku beegan.
Xukumadda dalka ayaana sheegtay inaysan waqti dheeraad ah ku dari doonin tirakoobka.
Tan iyo intii uu dalka ka bilawday tirakoobka waxaa is diiwaangaliyay Kenyaan badan .
Dhinaca kale mid ka mid ah dhalinyarada ka shaqeysata xaafadatan Isli ee Nairobi ayaa Mas’uuliyiinta baaq ku aadan tirakoobka u diray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here