Madaxweyne ku xigeenka dalka oo sheegay in laga heshiin karo arrimaha BBI

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoosta ka xariiqay inay suurtagal tahay in heshiis laga gaaro qodobbada ku xusan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta dadweynaha ee BBI.
Waxaa uu sheegay in hadii cid kasta aragtideeda la tixgeliyo la isku afgaran karo waxyaabaha lagu soo jeediyay warbixintii maalmo ka hor la soo bandhigay.
Madaxda siyaasadeed ayuu Dr. Ruto ku booriyay inay ku dadalaan sidii ay ugu heshiin lahayeen qodobbada ay ku kala aragti duwan yihiin.
Kaddib markii maalinkii Isniinta ee toddobaadkan warbixinta guddiga BBI lagu soo bandhigay xarunta Bomas ee Nairobi, Ruto ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta sheegay inay jiraan qodobbo u baahan in dib loo eego .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here