DHAGAYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo sheegay inaan xisbiga Jubilee la kala qeybin Karin

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa carrabka ku dhuftay inaan kala qeybsanaan laga dhex abuuri karin xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in maamulka uu ku xigeenka ka yahay uu diiradda saarayo wax u qabashada Kenyaanka gaar ahaan fulinta mashaariicdii horumarineed ee shacabka loo ballanqaaday xilligii ololihii doorashada guud ee 2017-kii.
William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inaan lagu guulaysan doonin iskuday kasta oo lagu kala geynayo siyaasiyiinta Jubilee .
Waxaa uu intaasi ku daray inaynan khasab ahayn inuu isaga hoggaamiyo xisbiga oo haddii cid uga sii fiican ay jirto uu garab siinayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here