Madaxweyne ku xigeenka dalka oo si adag uga hadlay dhaliisha ku aaddan lacagaha uu ku deeqo

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu shalay ku sugnaa ismaamulka Wajeer waxaa uu si adag uga hadlay una jawaabay siyaasiyiinta ku dhaliila lacagaha uu ku bixiyo kaniisadaha iyo mashaariicda diimeed.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay inaan loo baahneyn in isaga lagu mashquulo oo macagiisa loo adeegsado sida mashruuc horumarineed oo kale.
William Ruto oo ay wehelinayeen siyaasiyiin badan oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa carrabka ku adkeeyay inuu sii wadayo lacagaha uu ugu deeqo ha’adaha diimeed sidaasi awgeedna cidii caawimaadiisa ka soo horjeedda laga doonayo inay la timaado istaraatiijiyad kale oo ay siyaasadeeda u adeegsato .

Waxaa dareenka Ruto mid la mid ah jeediyay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale.

Dhanka kale xildhibaan Aadan Barre ayaa shacabka galbeedka Wajeer cafis ka dalbaday kaddib markii dadka qaar ay la xariiriyeen guul darradii mid ka mid ah musharaxiinta doorashadii ku celiska ahayd u soo hooyatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here